Mareykanka Oo Qaaday Xayiraadii saarneyd Maraakiibta Ganacsiga Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Mareykanka ayaa qaaday xayiraadii saarneyd dhammaan gaadiidka badda ee soo gala iyo kuwa ka baxa dekedaha iyo xeebaha Iran, iyadoo la raacayo amarka madaxweyne Donald Trump, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

Bayaan uu soo saaray Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayuu ku sheegay in dhammaan hawlgalladii ciidamada Maraykanku ku dhaqan-gelinayeen xanibaadda la joojiyey “Ciidanka Mareykanka kama hor istaagayaan in ay maraakib ka soo dagaan ama ka soo baxaan dekedaha Iran ee Gacanka Carabta iyo Gacanka Cumaan.”

“Maraakiibtayada waaweyn ee ciidamada badda waxay sii joogi doonaan guud ahaan aagga si loo hubiyo in dhammaan dhinacyada heshiiska, loo hoggaansamo oo si buuxda loo dhaqangeliyo,” ayuu ku daray militariga Mareykanku.