Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa la wadaagay Trump, warbixin ay ugu sheegayaan Netanyahu inuu qorsheynayo sidii uu uga hortaggi lahaa heshiis rasmi ah oo nabadeed oo ay gaaraan Mareykanka iyo Iiraan.
Hayadu waxay sidoo kale sheegtay in Netanyahu ku howlanyahay tallaabooyin lagu jebinayo heshiiska gaar ahaan qodobka heshiiskan ku jira oo dhigaya inaan la weerarri karin Lubnaan,sida uu maanta baahiyay wargeyska Washington Post oo ku sheegay u jeeddada Netanyahu sidii uu u badbaadin lahaa mustaqbalkiisa siyaasadeed, maaddama heshiis rasmi ah uu ka dhiganyahay dhammaadka mustaqbalka siyaasadeed ee Netanyahu.
Warbixinta wargeyskan, waxaa kaloo lagu xaqiijiyay inay si weyn u kala fogaanayaan Trump iyo Netanyahu, iyadoo isla khilaafkan uu sare u kici karo haddii Netanyahu ku adkaysto tallaabooyin carqaladeynaya heshiiska uu Trump doonayo inuu la gaaro Iiraan.
