15
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Cabdirashiid Magaalo oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in dadka ajaanibta ah ee sharci darrada ku jooga Somaliland ay dalka kaga baxaan 10 Maalmood.
Wasiirku ma sheegin sababta xilligan keentay go’aankan uu ku dhawaaqey maanta, balse wuxuu carrabka ku dhuftay inay jiraan arrimo amni.
Somaliland waxa ay ajaaniib u aqoonsan tahay dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda oo ay ku jiraan Soomaalida deegaannada kale.

