Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Masar.
Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya madasha al-calamayn oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrika, iyada oo madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ay ka wada hadlayaan fursadaha maalgashi, kobcinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
Ka qaybgalka Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Ganacsiga Afrika ayaa fursad u ah Soomaaliya in ay soo bandhigto fursadaha maalgashi iyo awoodda dhaqaale ee dalka, isla markaana ay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Al-Calamayn, Madaxweyne Xasan Shewkh ayaa kulamo doceedyo la yeelanaya madaxda dalka Masar iyo madaxda kale ee ka qaybgalaysa shirka, kuwaasi oo looga wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.
Safarka Madaxweyne Xasan ee dalka Masar ayaa ku soo aadaya xili uu kulamo la soo qaatay madaxda Itoobiya & Jabbuuti.



