Somaliland Oo Maanta Daah-furtay Mashruuc ay Xukuumadii Biixi Hore uga Diiday Somaliya..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Hargeysa ku daahfurtay Mashruuca Horumarinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha (Somalia Enhancing Public Resources Management Project, SERP).

SERP waa mashruuc lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda guud. Mashruuca waxaa laga hirgelinayaa dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Mashruucan, oo ay iska kaashanayaan Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku kacaya $75 milyan, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 2023 ilaa 2027.

Sikastaba ha noqotee Magaca Mashruucan ayaa laga badalay erayga “Somalia” iyafoo laga dhigay “Somali”. waxaana xusid mudan in Xukuumaddii hore ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hore uga biyo diidday hirgelinta mashruucan
sababo la xiriiray arrimo siyaasadeed.