21 Qof Oo Xabaal Wadareed Loogu Sameeyay Duleedka Adhi-Caddeeye Ee Sool

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

21 Qof Oo Xabaal Wadareed Loogu Sameeyay Duleedka Adhi-Caddeeye

21 qof oo ku geeriyooday dagaalladii iyo rabshadihii shalay ka dhacay deegaanka Adhi-Caddeeye ayaa maanta xabaal wadareedyo loogu sameeyay duleedka deegaankaasi.

Dadka la aasay waxaa ku jiray odayaal waayeel ah, haween iyo carruur, kuwaas oo ka mid ahaa dadka ku naf waayay dhacdooyinkii murugada lahayd ee shalay ka dhacay Adhi-Caddeeye.

Muuqaallada laga soo tebiyay goobta aaska ayaa muujinaya murugo iyo baroor-diiq ay muujiyeen ehellada iyo bulshada deegaanka iyadoo dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay colaadda.