“Israa’iil waxay si Qarsoodi ah u Galisay Internet-ka Starlink Gudaha Iran”RWasarihii Hore Ee Israel

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Naftali Bennett ayaa sheegay in xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha, uu bilaabay qorshe uu si qarsoodi ah ugu wareejinayo tobanaan kun oo internet-ka loo yaqaan ‘Starlink’ banaanbaxayaasha Iran si ay u sii wataan dibad-baxa isgaarsiineed.

Bennett ayaa kulan Talaadadii ka dhacay magaalada Qudus ka sheegay in hadafka qorshaha uu yahay in dibedbaxayaasha loo suurtageliyo in ay isku dubbaridaan oo ugu dambeyntii gacan ka geystaan ​​ridista dowladda Iran.

“Nasiib darro, dawladda Israa’iil ee aan waxtarka lahayn ee hadda jirta ayaa joojisay barnaamijkan, markii ay mudaaharaadyadu dhaceen, kaabayaashaas ma jirin,” ayuu yiri.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaan weli ka jawaab ka bixin hadalkna Bennett. Sidoo kale shirkada Internetka ee SpaceX ayaa iyaduna wali ka hadlin arrintan.