Faransiiska Oo ku Baaqay Shir Deg-deg ah Oo Golaha Ammaanka ka Yeesheen Qabsashada Israa’iil Ee Qalcad Taariikhi ah oo ku taalla Lubnaan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegay in uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii ciidamada Israel ay qabsadeen Qasriga taariikhiga ah ee Beaufort ee dalka Lubnaan.

Jean-Noël Barrot ayaa u sheegay BFM TV: “Waxaan codsaday kulan deg deg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo aan aqoonsannahay xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is-difaacdo, sida waddan kasta oo kale, ma jiraan wax sabab u noqon kara sii wadida howlgallada militari ee Israa’iil iyo horumarka dheeraadka ah ee ku wajahan dhulka Lubnaan.”

Waxa uu walaac ka muujiyay ballaarinta joogitaanka ciidamada Israa’iil ee dhulka Lubnaan, waxaana uu ku baaqay in arrintan ay baaraan golaha ammaanka.

Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqay in qalcadda taariikhiga ah ee istiraatiijiga ah ee Shaqif (Beaufort) ay qabsadeen ciidamadiisa.

Waxa uu ku yiri qoraal uu soo dhigay kanaalka Telegram-ka: “Afartan iyo afar sannadood ka dib dagaalkii geesinimada lahaa ee Beaufort iyo maalintii la xusayay askartii lagu dilay dagaalkii koowaad ee Lubnaan (1982), ciidammadeennu waxay mar kale ku soo noqdeen qalcaddaas oo ay ka taageen calanka Israa’iil.

Qasrigani waxa uu leeyahay aragti ballaadhan oo ku saabsan koonfurta Lubnaan waxaana loo arkaa mid aad muhiim u ah ciidan ahaan.