Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo mas’uul ka ah hawlgallada milatari ee Iran, ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay joogitaanka diyaaradaha milatariga Israa’iil ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Iran.
Bayaan uu soo saaray Taliska Khatam al-Anbiya ayaa lagu sheegay in “dhaqdhaqaaqyada iyo joogitaanka diyaaradaha milatariga ee ciidanka maamulka Sahyuuniga ee argagixisada ah ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska ah ee ku wajahan Iran ay yihiin fal halis ah iyo khatar ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” hase yeeshee ma uusan magacaabin dalka uu ula jeedo.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Haddii Maraykanku uusan awoodin inuu xakameeyo maamulka Sahyuuniga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uma dulqaadan doonto wax hanjabaad ah oo loo geysto, waxayna u aragtaa inay xaq u leedahay inay ka jawaabto falalkan halista ah.”
Tan iyo markii la gaaray xabbad-joojinta u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, Israa’iil ayaa sidoo kale joojisay weerarradii ay ku haysay Iran.
Iran iyo Maraykanka ayaa haatan wada-hadallo uga socda sidii loo gaari lahaa heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.
