Midawga Yurub oo ku tashanaya awooda sii kordheysa ee dowlada Turkeyga. Magaca diyaarada Bayraktar ayaa qabsaday madaxda NATO.
Sarkaalka labaad ee ugu sareeya gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay in diyaaradaha droneska ee Turkeyga Bayraktar ay yihiin difaaca mustaqbalka dalalka NATO.
Madaxwaynaha dalka Mareekanka Donald Trump oo bilowgii todobaadkii hore hadlay ayaa yiri “Dad badan aqoon uma lahan awooda difaac ee ciidamada dalka Turkeyga.”
Dhamaan hadaladan ayaa imaanaya ka dib markii maalmihii dambe siyaasiyiinta ugu sarsareesa Israi|l ay ku baaqayeen isku diyaarin dagaal Israi|l ay la gadho dalka Turkeyga.
Waxay sheegeen qaar ka mid ah madaxda Israi|l in Turkeyga uu yahay qatarta cusub ee Israi|l imika, iyagoo sheegay in dalalka Syria iyo Turkeyga ay yihiin qatarta ugu wayn ee Israi|l xiligan.
Waxaa daah saarneen in uu imaan doono mustaqbalka dagaal u dhaxeeya Israi|l iyo Turkeyga balse lama oga garoonka marti gelin doonta kulankaa, Syria mise Somalia?
