Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Mohamud ayaa magaalada Djibouti City kaga qeyb galay munaasabadda ballaaran ee lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay markii Djibouti ay xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977.
Munaasabadda oo ahayd dabaaldegga ugu weyn ee maalinta qaran ee Jabuuti ayaa lagu qabtay fagaaraha weyn ee bartamaha magaalada Jabuuti, waxaana goobta isugu yimid madaxda ugu sarreysa dalka, marti sharaf caalami ah, diblomaasiyiin, saraakiil ciidan iyo kumannaan shacab ah oo u dabaaldegayay sanad-guurada xornimada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ahaa madaxda lagu casuumay munaasabadda, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee walaaltinimo, iskaashi iyo deris wanaagga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Dabaaldegga ayaa waxaa lagu soo bandhigay bandhig ciidan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Jabuuti ay sameeyeen socod gaado, isla markaana ay soo bandhigeen tababarro iyo xirfadaha ay u leeyihiin difaaca dalka. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay gaadiidka dagaalka, gaadiidka gaashaaman, qalabka casriga ah ee ciidamada iyo awoodda difaac ee dalka Jabuuti.
Qeybaha kala duwan ee ciidamada Jabuuti, oo ay ku jiraan ciidanka dhulka, cirka, badda, booliska iyo ilaalada qaranka, ayaa ka qeyb qaatay dhoolla-tuska, iyadoo ay barbar socdeen bandhigyo ay soo qabanqaabiyeen qeybaha bulshada, kuwaas oo muujinayay midnimada shacabka iyo horumarka uu dalku sameeyay tan iyo markii uu xornimada qaatay.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay halgankii gobannimo-doonka ee shacabka reer Jabuuti ay ugu jireen sidii ay uga bixi lahaayeen gumeysiga Faransiiska, waxaana la maamuusay halyeeyadii door weyn ka qaatay xaqiijinta madax-bannaanida dalka.
Ka qeybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dabaaldegga ayaa loo arkaa mid sii xoojinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Labada dal ayaa iskaashi dhow ka leh dhinacyada amniga, siyaasadda, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo Jabuuti ay door muuqda ku leedahay dadaallada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.
Jabuuti ayaa muddo dheer ahayd saaxiib muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo martigelisay shirar dib-u-heshiisiin ah, taageero diblomaasiyadeedna siisa dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, ciidamada Jabuuti ayaa ka mid ah kuwa qeybta ka ah howlgalka African Union Support and Stabilization Mission in Somalia, kuwaas oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Munaasabadda sanadkan ayaa ku soo idlaatay jawi dabaaldeg iyo waddaniyad, iyadoo madaxdii ka qeyb gashay ay hambalyo u direen dowladda iyo shacabka Jabuuti, isla markaana ay u rajeeyeen nabad, xasillooni iyo horumar sii socda.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

















