Xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo, ayaa markii labaad la arkay isagoo tuuraya gool ku laad (rigooro) inuu ku dhawaaqayo ereyga Bismillah(Magaca Eebbe ayaan ku billaabayaa), markii u dambeysay ee Bismillah uu adeegsaday wuxuu ahaa kulankii ay Portugal xalay la ciyaartay Croatia.
Ronaldo ayaa gool ku laadkan dhaliyay, wuxuuna xulka Portugal ku caawiyay inuu usoo baxo wareegga 16-ka ee koobka kubadda cagta adduunka, sida uu baahiyay telefishinka Al Arabiya.
Cristiano Ronaldo, ayaa tan iyo 2023 wuxuu ka ciyaarayay horyaalka Sacuudiga, wuxuuna waraysi kala duwan oo muddadaa uu bixiyay ku ammaanay dhaqanka Sacuudiga illaa qaar ka mid ah ciyaaryahannada kooxda Al-Nassr ee Ronaldo ay sheegeen inay jirto suragalnimo la arki mustaqbalka Ronaldo oo diinta suuban ee Islaamka qaatay
