Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Pakistan, Turkiga iyo dalal ay ku jiraan Sacuudiga iyo Qatar ayaa ku khasbanaaday inay ilaaliyaan guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, si looga hortaggo iskudayo ay Israa’iil ku doonaysay inay disho.
Israel ayaa dilka labada mas’uul ka doonaysay inay ku fashiliso dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu joojiyay dagaalkii Mareykanka iyo Iiraan, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay wargeyska New York Times.
Saraakiisha Mareykanka waxay aaminsanaayeen in isku day kasta oo ay Israa’iil ku disho Ghalibaf iyo Araghchi, ama midkood uu burburin lahaa wadahadallada nabadda ee socday xilligaas, taasoo dib ugu celin kartay Bariga Dhaxe dagaalkii ballaarnaa ee socday 40-ka maalmood.

Screenshot
