Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo ka Wada-hadlay Xoojinta Iskaashi Difaac.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ay labada hoggaamiye ku adkeeyeen in wada-hadalka, diblomaasiyadda iyo is-ixtiraamku ay yihiin waddada kaliya ee waarta ee lagu xallin karo khilaafaadka laguna ilaalin karo nabadda iyo amniga caalamka.

Ra’iisul Wasaaruhu Sharif ayaa sheegay in kulankan lagu falanqeeyay dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Pakistan iyo Turkiga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga difaaca, tamarta, isku xirnaanta, tiknoolajiyadda, nabadda gobolka iyo xoojinta xiriirka shacabka labada dal.

Waxa uu intaas ku daray in labada dal ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay gaaraan yoolka wadajirka ah ee ah in ganacsiga laba geesoodka ah la gaarsiiyo shan bilyan oo doollar, isla markaana la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Pakistan iyo Turkiga.

Sharif ayaa intii lagu guda jirey shirkii jaraa’id ee uu la qabtay Erdogan waxa uu yidhi “Aad bay u yar yihiin hoggaamiyeyaasha leh aragti fog, geesinimo iyo go’aan adag sida Erdogan. Intii uu xilka hayay, Turkigu aad buu u horumaray, wuxuu. kor u qaaday kalsoonida iyo sumcadda dalka, sidoo kale, wuxuu sarey u qaaday meeqaamka Turkiga, isagoo ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu saameynta badan siyaasada gobolka iyo tan caalamka.

Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale sheegay inuu horay uga qeyb galay Shirweynaha Ganacsiga Pakistan iyo Turkiga oo lagu qabtay Istanbul.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ciidanka ISRL ay sii wadaan weerarada naxariis darada ah ee y ku hayaan dadka la dulmiyay ee marinka Q/–sa.

Erdogan wuxuu intaasi ku daray in xukumada ISRL oo uu ku tilmaamay “mid dagaal jecel” aan la siin fursad ay markale gobolka ugu horseedo burbur iyo dhiig daata.