Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warbixin ay dhowaan soo saartay hay’adda International Crisis Group (ICG), taas oo ka hadleysay xaaladda amni, siyaasadeed iyo horumarka Soomaaliya. Warbixintaasi ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay horumarro militari intii lagu jiray sanadkii 2025, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira kala qaybsanaanta siyaasadda iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.
Jawaabta dowladda waxaa soo bandhigay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad), oo qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku tilmaamay in muddooyinkii dambe ay soo badanayeen falanqeymo Soomaaliya u sawiraya dal ku jira fashil joogto ah, isla markaana aan awood u lahayn inuu xaqiijiyo amnigiisa, dib u dhisto hay’adihiisa ama si hufan isu maamulo.
Wasiirka ayaa sheegay in sawirka noocaas ah uu yahay mid aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta, isla markaana uu yahay qiimeyn aan caddaalad ahayn oo iska indho-tiraysa dadaallada ballaaran ee ay dowladda Soomaaliya sameysay afartii sano ee la soo dhaafay.
Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, intii uu hoggaanka dalka hayay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ay isku mar wajahday saddex hawlood oo aad u adag, kuwaas oo ay adag tahay in dowlad kasoo kabaneysa colaado ay hal mar fuliso.
Waxa uu xusay in dowladda ay si isku mar ah u wadday dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dib-u-dhiska ciidamada ammaanka qaranka iyo horumarinta dib-u-eegista dastuurka, taas oo muhiim u ah hirgelinta doorashooyin sharciyeysan iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh.
Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in khubarada daraaseeya dowladaha kasoo kabanaya colaadaha ay garanayaan in mid kasta oo ka mid ah howlahaasi uu yahay caqabad culus, halka Soomaaliya ay isku mar u wajahday dhammaantood iyadoo weli la tacaaleysa weerarro argagixiso iyo dhaqaale kooban.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkasta oo ay jiraan caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed, haddana dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, ballaarinta awoodda hay’adaha dowladda, dib-u-habeynta nidaamka dowladnimada iyo xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.
Warbixinta International Crisis Group ayaa dhankeeda muujisay walaac ku saabsan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka, iyadoo sheegtay in Al-Shabaab ay dib u soo ceshatay deegaanno ka mid ah kuwii hore looga saaray, isla markaana hoos u dhaca taageerada dibadda iyo khilaafaadka siyaasadeed ay caqabad ku noqon karaan dadaallada dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in qiimeynta lagu sameynayo xaaladda dalka ay tahay in lagu saleeyo xaqiiqooyinka iyo horumarka muuqda ee la gaaray, halkii lagu koobnaan lahaa sawir guud oo muujinaya fashil, iyadoo dowladda sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.
