Sida uu weriyey wargeyska The National dawladda Ingiriiska ayaa difaaceeda ugu hormursan u diyaarisay dalka Sucuudiga ka dib dalab uga yimi Boqortooyada dalkaas taas oo doonaysa in ay hesho nidaam difaac oo laysku hallayn karo.
Laba ka mid ah nidaam dicaaceedka dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in uu toddobaadkan soo gaadho Riyaad isaga oo ka qayb noqonaya arrimaha uu Sucuudigu kaga gaashaamanayo duqaymaha ka imanaya dhinaca dalka Iran.
Dalalka Carabta ayaa dedaal ugu jira in ay helaan nidaam difaaceed oo ay kaga gabbadaan gantaalaha dalka Iran ka dib markii ay dhamamadeen nidaam difaaceedyadii hore ee dalalkan soo iibsadeen sannadihii la soo dhaafay.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay inuu wajahayo cadaadis xooggan oo lagu doonayo inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan ku biirista dagaalka Iran, balse uu si cad u diiday.
“Waxaa jira cadaadis badan oo la igu saarayo inaan beddelo mowqifkayga ku aaddan ku biirista dagaalka. Ma beddeli doono mowqifkayga mana ku biiri doono dagaalka,” ayuu yiri.
Hadalka Starmer ayaa muujinaya go’aan adag oo uu ku adkaysanayo in UK aysan ku lug yeelan dagaalka, inkastoo cadaadis siyaasadeed iyo mid caalami ah uu jiro
Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa isu diyaarinaysa inay ku biirto dedaal millateri oo ay hoggaaminayaan Mareykanka, kaas oo lagu doonayo in dib loogu furo marin-biyoodka Strait of Hormuz, xilli xiisadaha gobolka ay cirka isku shareeay iyo carqalado cusub oo ku yimid sahayda tamarta caalamka ay jiraan.
Ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Abu Dhabi ayaa u sheegay The Wall Street Journal in mas’uuliyiinta Imaaraadku ay baadhayaan doorarka ay ciidamadoodu ka ciyaari karaan qayb ka mid ah olole ballaadhan oo lagu sugo ammaanka marin-biyoodkan istaraatiijiga ah, kaas oo sida caadiga ah qaada ku dhowaad rubuc ka mid ah shidaalka dunida, isla markaana loo arko mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan ee tamarta adduunka.
Sida laga soo xigtay saraakiil uu wargeysku la hadlay ee Imaraadka ayaa waxay sidoo kale ka shaqaynayaan qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u oggolaanaya ka qaybgalkeeda militari, taas oo siin karta sharciyad caalami ah oo lagu taageero faragelinta ay qorshaynayaan.
Haddii la xaqiijiyo, tallaabadani waxay ka dhigi doontaa UAE dalka ugu horreeya ee Khaliijka ka tirsan ee si rasmi ah ugu biira hawl-galkan, ka dib weerarro gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo loo aanaynayo Iiraan, kuwaas oo kordhiyay khataraha amni ee Gacanka,isla markaana halis geliyay gaadiidka badda.
Hoggaamiyeyaasha sare ee Xuutiyiinta Yemen ayaa galay goobo qarsoodi, waxayna yareeyeen isgaarsiintooda, tallaabadan oo la sheegay in ay isugu diyaarinayaan inay taageeraan Iiraan oo ay weerarro ku qaadaan Israa’iil.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta muhiimka ah ayaana u guuray meelo ammaan ah, halka xafiisyadii maamulka badankood la baneeyay si looga fogaado weerarro suuragal ah, sida uu maanta weriyey wargeyska Wall Street Journal.