Turkiga iyo Spain Oo ka Wada-hadlaya Iskaashiga Dhinaca warshadaha Difaaca ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Turkiga iyo Spain ayaa kawada hadlaya Iskaashiga warshadaha difaaca, waxay Madrid dooneysaa iney Turkiga ka iibsato diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee KAAN iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB3. Sida uu ku waramay wargeyska El Espanol ee kasoo baxa Madrid.

Ilo ka tirsan Warshadaha difaaca ee Turkiga ayaa wargeyska El Espanol u xaqiijiyay iney socdaan Wadahadalo udhexeeya Turkiga iyo Spain oo ku saabsan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Spain waxay soo saartaa diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu magacaabo SIRTAP, waxayna leedahay markab dagaal oo lagu magacaabo Jaun Carlos-I, kaasoo awood uleh inuu xambaaro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si lamid ah markabka dagaalka Turkiga ee TCG Anadolu.

balse caqabada haysta Madrid waa in diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn SIRTAP ay ubaahan yihiin markab leh 800 mitir oo runway ah, si ay uga dul kacaan, markabkeeduna malaha runway sidaas u dheer, sidaas darteed Spain halkii ay wakhti badan gelin lahayd horumarinta diyaaradaheeda waxay u leexatey dhinaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, sababtoo ah Bayraktar TB3 waxay ku haboon tahay Markabka Juan Carlos-I, umana baahna runway dheer.

Spain ayaa mudooyinkii dambe u muuqata mid isku dayaysa iney xoojiso xidhiidhka kala dhexeeya Caalamka Islaamka, waxaana in badan la amaanay mawqifyada Madrid ay ka qaadatey dagaalada ka dhanka ah Shucuubta Islaamka.