Maamul ka Madax banaan Xamaas oo laga Hirgeliyey Marinka Gaza

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kun maalmood oo dagaal iyo burbur ka dib, waxaa Marinka Gaza laga hirgeliyay Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza, kaas oo lagu sameeyay qorshe ku-meel-gaar ah oo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah.

Guddigan looma dhisin inuu noqdo dowlad cusub oo Falastiiniyiin ah, mana ahan mid u taagan ama matalaya Maamulka Falastiin, sidoo kalena kama tirsana ururrada siyaasadeed ee Falastiiniyiinta.

Guddiga oo la shaaciyay bishii Janaayo 2026 ayaa waxaa hoggaaminaya injineer Cali Shaath, wuxuuna ka kooban yahay khubaro iyo farsamayaqaanno Falastiiniyiin ah oo aan metelin xisbiyo siyaasadeed ama urur gaar ah, shaqadiisu waxay ku kooban tahay maamulka adeegyada rayidka sida caafimaadka, waxbarashada, dowladaha hoose, biyaha, korontada iyo isku dubbaridka gargaarka bani’aadannimo iyo mashaariicda dib u dhiska.

Si kastaba ha ahaatee, guddigu ma laha awood siyaasadeed, ma matalo shacabka Falastiin, mana maamulo arrimaha amniga, sidoo kalena kama amar qaadan doonaan kooxaha hubeysan sida Xamaas, Caqabadda ugu weyn ee guddiga haysatana waa dhinaca dhaqaalaha, maadaama Maamulka Gaza uu u baahan yahay miisaaniyad lagu bixiyo mushaharka kumannaan shaqaale, shidaalka, howlgelinta isbitaallada iyo dayactirka kaabeyaasha biyaha iyo korontada.

Xamaas ayaa maalmo ka hor sheegtay iney wareejisay maamulka marinka Gaza sida uu dhigayo heshiiskiii lagu saxiixay sharma Sheekh oo Masar ah kaasoo lagu joojiyey dagaalkii ka socday Gaza oo ciidamada Israel ay ku dileen in ka badan 70 kun oo oo qof kuwaasoo u badan caruur iyo haween.