Trump Oo ku Hanjabay in Caawa Uu Weerari-doono Iiran ay Markii Iran Saaka Weerartay Saldhigyada

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa ka digay in Mareykanka ay “caawa u badan tahay inuu mar kale si xooggan u weeraro Iiraan”, kadib weerarro cusub oo dhacay habeenkii xalay.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in ujeeddada hawlgallada Mareykanka ee Iiraan ay tahay in la soo afjaro barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas, balse aysan ahayn in la beddelo maamulka talada haya.

Markii wax laga weydiiyay hadalkiisii hore ee ahaa in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan uu burburay, Trump si cad ugama jawaabin su’aasha ahayd in heshiis cusub la gaari karo. Wuxuu yiri:

“Waxaan sameyn karnaa xitaa heshiis la’aan, waayo sidaas ayaa ka sahlan.”

Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu dib u soo celin doono go’doomintii badda ee lagu hayay Iiraan, taas oo markii hore laga qaaday iyadoo qayb ka ahayd heshiiskii lagu soo afjaray dagaalka.

Sida uu qoray weriyaha Aqalka Cad ee Bernd Debusmann Jr., Caro ayaa si cad uga muuqatay Trump wuxuu muujinayay in laga yaabo inuu ka samri waayay Iiraan.

Iran oo duqeysay saakay saldhigyada mareykanka ee bariga dhexe. Ciidanka ilaalada kacaanka Iran oo kajawaabay weerar xalay mareykan uu Iran kuqaaday ayaa sheegay in saaka ay beegsadeen saldhigyada Milatariga Mareykanka ee dalalka Kuwait iyo Baxreyn uu kuleeyahay.

Weerarka saaka ayaay iran kusheegtay inuu jawaab u yahay duqeyn uu Mareykanku xalay ka geysatay Iran.

Dhinaca kale Iran ayaa shalay gubtay laba Markab oo iskudayay in ay kagudbaan marinka Hormuz iyaga oo an iran oggolaansho ka Helin .

Ciidanka kacaanka Iran ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad mareykanka uu leeyahay oo ah nooca US MQ-9 drone taas oo ay ku soo ridday Gobolka Bushehr ee koonfurta dalka Iran.

Heshiiskii is afgaradka labada dal ee Iran iyo mareykanka iyo xabad joojintii ayaan suurtagali la’

Madaxweynaha mareykanka Trump ayaa ujeediya iran hanjabaad isdaba joog ah taas oo iran kadhigtay mid halkii hore kasii fog.

Geesta kale sida ay kuwarameysa wakaalada mehr ee iran goordhow waxaa qaraxya waaweyn laga maqlay magaalada bushehr oo maraykanka uu xalay kageyatay weeraro.