Dowlada Turkiga iyo Boqortooyada UK Oo kala Saxiixday Heshiis Difaac Oo Wada-jir ah

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Turkiga iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca iyo amniga ah, intii uu socday kulanka laba geesoodka ah ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starme.

Heshiiskan difaac wadajirka ah ee ay wada gaareen Turkiga iyo Ingiriiska maanta ayaa waxa qayb ka ah inay si wadajir ah usoo saaraan maraakiibta dagaalka, diyaaraddo dagaal, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamyo difaac, raadarrada, dayax-gacmeedyada hawada sare iyo nidaamyada garaad-gacmeedka (AI) loo adeegsado sirdoonka, kaasoo la kaa saxiixday intii uu Ankara ka socday shirka madaxeedka NATO.