Pakistan ayaa muujisay “walaac weyn” oo ay ka qabto xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan Bariga Dhexe.
Pakistan waxay ka mid ahayd dalalkii doorka muhiimka ah ka qaatay dhexdhexaadinta lagu gaaray is-afgaradkii ee ay bishii hore kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo bishii Abriil martigelisay wada-hadallo heer sare ah.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegay in “dib u soo cusboonaanshaha colaadda aaney dan ugu jirin cidna,” isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan isla markaana ay ixtiraamaan ballanqaadyadii ku jiray heshiiska is-afgaradka.
Sawirka la socday warkan wuxuu muujinayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif intii ay socdeen wada-hadalladii lagu qabtay Islamabad bishii Abriil.
