Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa canbaareeyay xariga fanaanka caanka ah ee Khaalid Kaamil oo mudo ku xiran magaalada Hargeysa.
Fannaankan ayaa la sheegay in loo heysto hees uu weli qaadin oo uu u sameeyay Falastiin iyo Qaza.
“Xariga fannaaniinta, suxufiyiinta iyo muwaadiniinta loo beegsado caburinta aragtidooda iyo hal-abuurkooda, wuxuu dhaawacayaa xoriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurkuu”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goor dhow soo saaray ururku .
Xisbiga ayaa dhanka kale ugu baaqay xukumadda Somaliland inay si de deg ah u sii deyso fannaanka, isla markaana ay joojiso tallaabo kasta oo u muuqata mid cabsi lagu gelinayo bulshada hal-abuurka leh, waa sida ay iyagu hadalka u dhigeenee.
“Habdhaqanka dal dimuqraadi ah waa mid ku dhisan ilaalinta sharciga, iyo ixtiraamka xoriyadda hadalka, waana mid ka fog xarig iyo caburin”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

