Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada u caddaynayaa in si degdeg ah looga falceliyey muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada, kaas oo muujinaya fal ay ku kaceen qaar kamid ah askarta Ciidanka Boolisku.
Askartii ku lug lahayd dhacdadaasi waa la xidhay, waxaana socda baadhitaan rasmi ah. Ciidanku waxa ay xilligaas fulinayeen waaran maxkamaddeed oo soo qabasho ah, hase yeeshee waxay ku kaceen ku takri-fal awoodeed (Power Abuse), oo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka ciidannimo xilligii ay qabanayeen eedaysanaha.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu mar kale caddeynayaa in ay ka go’antahay ilaalinta sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta
