Warbaahinta Israa’iil ayaa ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Khamiistii khadka taleefanka kula hadlay Netanyahu si ay uga wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira Iran.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, labada dhinac waxay ka wada hadleen “tallaabooyin la isku dubbariday oo laga fulinayo jihooyin kala duwan,” waxaana Donald Trump uu Benjamin Netanyahu uga warbixiyay tallaabooyinka uu Maraykanku ka qaaday Iran.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu dhaleeceeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka tirsan xulafadiisa, isagoo ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan jiritaanka dowladda Israa’iil. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii ilaaliyo aagagga amniga ee ku teedsan xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.
Turkiga ayaa maalmahan martigeliyay shir-madaxeedkii NATO.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa’iil inay wiiqayso is-afgaradkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa si isdaba joog ah uga muujisay walaac ku saabsan suurtagalnimada in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-35, arrin la sheegay inay sababtay in la baajiyo booqasho uu Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ku tagi lahaa Israa’iil.
