Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa ka digay in dekedda Jeddah ee Sacuudiga iyo dekedaha kale ee Sacuudiga ku yaalla xeebta Badda Cas ay noqon karaan bartilmaameedyo ay kooxdu weerarto, taas oo jawaab u ah weerarka lagu qaaday dekedda Ras Ciise ee Yemen.
Hanjabaaddan Xuutiyiinta ayaa timid xilli ciidamada isbahaysiga Sacuudigu ay ku baaqeen in laga baxo aaga dekedda Ras Ciise.
Hadalka ayaa loo arkaa inuu sii kordhinayo xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo dhowaan midba midka kale ku eedeeyay inuu bartilmaameedsanayo xarumaha dhaqaalaha iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Yahya Saree, oo bayaan soo saaray axadda maanta ah, ayaa sidoo kale uga digay shaqaalaha dekedaha iyo shirkadaha maraakiibta inay ka fogaadaan goobahaas.
Bayaan lagu baahiyay barta bulshada ee X ayaa lagu sheegay in shaqaalaha iyo dadka ka shaqeeya dekedahaas ay si degdeg ah uga baxaan goobahaas oo ay ka fogaadaan.
Waxa uu sidoo kale shirkadaha maraakiibta ugu baaqay inay si degdeg ah maraakiibtooda uga saaraan dekedaha Sacuudiga.
Ma jiro wax jawaab degdeg ah oo ay masuuliyiinta Sacuudigu ka bixiyeen hadalka afhayeenka Xuutiyiinta.
