Boqortooyada Sucuudiga Oo FIFA ka Codsatey inaan Calankooda dhulka la Dhigin.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Boqortooyada Sucuudiga ayaa FIFA ka codsatey inaan calankooda dhulka la dhigin inta lagu jirto furitaanka ciyaaraha koobka Adduunka.

FIFA ayaa aqbashay codsigaas, intii xalay lagu jirey furitaanka ciyaartii dhexmartay Sucuudiga iyo Uruguay marnaba dhulka lama taabsiin calanka Sucuudiga.

Sucuudiga waxay sheegen in calankooda uu tawxiidku ku qoran yahay sidaas darteed aysan ogoleyn in tawxiidka dhulka la dhigo. Dhamaan calamada wadamada kale oo dhan dhulka ayaa la dhigayaa balse kan Sucuudiga lama dhigi doono.