Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Tababar u soo Xiray Kumannaan Askari Soona Bandhigay Dhoolatus Milatari.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar, iyagoo muujiyay xirfadaha iyo aqoonta ay muddadii tababarka ku soo barteen.