Burcad Badeed Somali ah Iyo Xuutiyiinta Yemen Oo Wada Afduubtay Markab Shidaal

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Sucuudiga ee Al Xadas, budhcad badeed Soomaali ah oo taageero ka helaya Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa badda gacanka Cadmeed ka afduubtay Markabka lagu magacaabo MT Asana kaas oo ku jeeday dekedda magaalada Boosaaso.

Markabkan oo uu ka babanayey calanka dalka Tanzania ayaa lagu soo warramayaa in ay afduubteen budhcad badeed tiradoodu tahay 7 nin kuwaas oo taageero ka helay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Waa markii koowaad ee taariikhda si toos ah loo diwaan geliyo Markab ay wada afduubteen kooxda Yemen iyo budhcad badeeda ka qadhaabata xeebaha badweynta Hindiya iyo afaafka gacanka Cadmeed.