Wasaaradda difaaca Kuwait ayaa warsaxaafadeed ay waxyar ka hor soo saartay, waxaa lagu faahfaahiyay weerarradii xalay iyo horraantii maanta ay Kuwait kala kulantay Iiraan, iyadoo warsaxaafadeedku sheegay inay Iiraan ku weerartay dhulka Kuwait 13 gantaal oo ballistic ah iyo 17 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn.
Kuwait waxay sheegtay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inta badan in laga hortagay, balse weerarku uu dhaliyay dhimashada qof u dhashay Hindiya, burbur gaaray qaybo ka mid ah garoonka diyaaradaha ugu weyn ee Kuwait International Airport oo muuqaalka aad ka aragtaan, burburka dhismayaal iyo kaabayaal kale.
Iiraan, ayaa weerarrada ay qaaday saacadihii u dambeeyay oo ka dhacay Kuwait , Baxrayn iyo waqooyiga dalka Ciraaq, waxay ku sheegtay kuwa looga jawaabayay weerar uu Mareykanka la beegsaday markab shidaal oo ay Iiraan lahayd iyo xarun isgaarsiin oo ku taal jasiiradda Qeshm, waxaana lagu sheegay warsaxaafadeed ay sii deysay Iiraan in la beegsaday saldhigyo Mareykanku leeyahay iyo kaabayaal kale oo xiriir la leh.
