Tuesday, September 8, 2026

Dowlada Yemen Oo Sheegtey inay Heyso Maydad Somali ka Barbar Dagaallamaysay Kooxda Xuutiyiinta

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Yemen ayaa sheegtey in Soomaali ka barbar dagaallamayso oo ku jirto kooxda Xuutiyiinta, sida ay qortay jariiradda TheNational oo intaasi ku dartay in uu jiro xidhiidh koraya oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda argagixisada AS.

Waxa la heley tiro meydad Soomaali ah oo dhintay, intii uu socday dagaal ciidamada iskacaabinta xuutiyiinta Yemen iyo dowladda caalamku aqoosan yahay ee Yemen ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta oo iyadu xidhiidh la leh Iiraan iyo xulafadeeda Lubnaan.