Maraykanka Oo Balanqaad Cusub u Sameeyay Somaliya.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadday shaqsiyaad lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen calanka Mareykanka, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay muujinayso muhiimadda iskaashiga amni iyo sharci ee labada dal.

Bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay qadarinayso iskaashiga joogtada ah ee dhinaca sharciga iyo laamaha amniga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in isku-duwidda iyo wada-shaqeynta labada dal ay muujinayaan sida iskaashiyo dhow oo ku dhisan ixtiraamka shuruucda iyo dhaqamada labada dal ay gacan uga geysan karaan xoojinta amniga.

Hadalkan Mareykanka ayaa yimid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka, kaddib markii muuqaal arrintaasi la xiriira uu ku faafay baraha bulshada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana uusan ka tarjumayn anshaxa, anshaxa milatari iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka ku lugta lahaa la aqoonsaday lana qabtay, iyadoo baaritaanno iyo tallaabooyin sharci ahna laga qaadayo.

Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada degdegga ah ee ay qaaday Dowladda Soomaaliya ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo shuruucda dalalka iyo in lala xisaabtamo dadka ku kacaya falal wax u dhimaya amniga iyo xiriirka labada dhinac.

“Iskaashiyada dhow ee ku dhisan ixtiraamka shuruucda iyo dhaqamada dal walba waxay xoojin karaan amniga, waxayna gacan ka geysan karaan in dambiilayaasha loo diido meel ay gabaad ka dhigtaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Washington ayaa intaas ku dartay inay rajaynayso in iskaashiga hadda socda uu noqdo halbeeg wanaagsan oo lagu saleeyo dadaallada mustaqbalka, iyadoo labada dal ay muddo dheer iska kaashanayeen arrimaha amniga iyo xoojinta hay’adaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Mareykanka ay sii xoojinayaan xiriirkooda amni, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.