Monday, September 7, 2026

Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Qarax ka dhacay Saldhig Boliska Ee Dalka Bolivia

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qarax ka dhacay saldhig ciidan booliiska dalka Bolivia, ayaa Gaadhay 7 qof, kaas oo ka dhacay xarun ciidan oo ku taalla magaalada Viacha oo qiyaastii 30 km u jirta caasimadda La Paz, Halka uu sidoo kale Qaruxu sababay dhaawacyo badan, waxaana burbur xooggan uu gaadhay dhismayaal ku dhow goobta.

Kooxo gurmadka iyo ciidamo ayaa weli ka wada goobta baadi-goobka askar iyo dad kale oo la la’yahay, iyadoo toddoba qof la xaqiijiyay inay weli maqan yihiin.

Sababta saxda ah ee qaraxa wali baadhitaan ayaa lagu wadaa, waxaana la sheegay in goobta lagu kaydinayay walxo qarxa iyo qalab loo adeegsado rashka.