5
Dowladda Eritrea ayaa digniin adag u dirtay Itoobiya, kana digtay sheegashada dhulkeeda iyo madax-bannaanideeda.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dalka Eritrea ayaa lagu yiri sidan:
“Madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eritrea, oo ay ka mid yihiin dhulka, badda iyo hawadda, waa khad cas (Red Line), mana aha arrin laga gorgortami karo ama lagu xadgudbi karo.
“Uma dulqaadan doonno in wixii hadda ka dambeeya maalin kasta la iska sheegto dhulkeenna.”
