Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Cir-bixinta (International Astronautical Congress).
Madaxwayne Erdoğan: “Annagoo tixgelinayna xaaladaha juqraafiyeed ee Türkiye, waxa aan billownay dhismaha xarun laga diri doono dayax-gacmeedka hawada sare oo ka socda Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan ka mirodhalinno dadaallada lagu hirgalinayo mashruucan istaraatiijiga ah.”
“Dunida maanta, soo saarista dayax-gacmeedyo oo keliya kuma filna in dal uu ku yeesho joogitaan hawada sare, balse waxaa sidoo kale muhiim ah in uu awood u yeesho inuu gaaro hawada sare.
Sidaas darteed, Barnaamijkeenna Qaran ee Hawada Sare waxaan aasaas u dhigeynaa iskaashi taariikhi ah oo dhinaca hawada sare ah oo aan la yeelanayno Soomaaliya oo ah dal saaxiib iyo walaal ah.
Mashruucan, waxaan ku talagalnay inaan kor ugu qaadno awoodda Türkiye ee ku aaddan gaarista hawada sare, isla markaana aan gacan ka geysanno horumarinta nidaamka iyo deegaanka hawada sare ee qaaradda Afrika.”
