Dawlada Eritrea oo ka jawaabtey eedeymaha Itoobiya ayaa beenisey in ciidamadeedu ay galeen gudaha Itoobiya, iyadoo Asmara ay sheegtay inay Itoobiya raadinayso marmarsiyo ay dagaal ku bilowdo.
Wasiirka warfaafinta Eritrea,Yemane Meskel ayaa qoraal uu caawa baahiyay, wuxuu ku sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay eedeymahaa ka dhigato qiil iyo marmarsiiyo ay ku billaabayso dagaal gardarro ah oo ay ku doonayso inay ku weerarto Eritrea.
Meskel wuxuu sidoo kale sheegay in arrintan ay la xiriirto damaca Itoobiya ee helitaanka marin toos ah oo Badda Cas ah.
Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Eritrea ee xuduudda Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli labada dal uu xiriirkoodu si weyn u xumaaday, iyadoo Itoobiya ay ku eedeysay Eritrea inay ciidankeedu kusoo xad-gudbeen dhulkeeda, islamarkaana ay taageerto xoogagga Tigrayga, halka Asmara ay eedeymahaasI beenisay
