Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay lacag dhan 100 doolar oo bil kasta laga jari jiray Xildhibaan kasta, taas oo lagu shubi jiray sanduuqa daryeelka Xildhibaanada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in qaaraankaasi la sameeyay xilli Soomaaliya ay wajahaysay duruufo adag oo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ah, si loogu taageero Xildhibaanada iyo qoysaska Xildhibaanada geeriyooda.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha, xaaladihii sababay in la sameeyo qaaraanka ayaa hadda isbeddelay, iyadoo uu tilmaamay in hay’adaha dowladda iyo nidaamka dowladnimadu ay sii xoogeysanayaan, “Waxaan soo gaarnay waqtigii ugu habboonaa ee aan joojin lahayn uruurinta qaaraankaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.Go’aanka cusub ayaa dhigaya in wixii hadda ka dambeeya aan Xildhibaanada laga jarin 100-ka doolar ee bil kasta, balse marka uu geeriyoodo Xildhibaan laga jari doono Xildhibaan kasta 200 oo doolar, oo hal mar ah, si loogu daboolo kharashaadka aaska iyo tacsi la xiriira.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in qorshuhu yahay in nidaamkan ku-meelgaarka ah mustaqbalka lagu beddelo sanduuq daryeel oo rasmi ah, kaas oo wax ka qaban doona baahiyaha daryeel ee Xildhibaanada.
Guddoomiye Cabduqaadir ayaa sheegay in arrinta qaaraanka ay marar badan Golaha Shacabka hor taallay, iyadoo dood iyo muran ka dhashay qaabka loo maareeyo lacagaha la uruuriyo, Wuxuu sheegay in Guddoonku doonayo in la soo afjaro qaaraanka joogtada ah, iyadoo Xildhibaan kasta uu heli doono lacagtiisa oo aan laga jarin 100-ka doolar ee hore.
Dhanka kale, Guddoonka ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii Xildhibaanada loo heli lahaa nidaam daryeel caafimaad oo rasmi ah, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee Xildhibaanada inta ay xilka hayaan.

