Guddiga amniga qaranka Mareykanka ayaa kulan qarsoodi ah oo saacado badan socday ku yeeshay Camp David, sida ay sheegtay Axios.
Waxay kulanka uga hadleen dagaalka Iiraan iyo dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ee Yemen.
Kulanka waxaa guddoominayay Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance. Waxaa sidoo kale ka qayb galay Marco Rubio, Pete Hegseth, Steve Witkoff, Agaasimaha CIA-da John Ratcliffe, General Dan Caine iyo Xoghayaha maaliyadda Scott Bessent.
Mid ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay ama si qoto dheer looga hadlay arrimo waaweyn oo ku saabsan Bariga Dhexe.
