Gudiga Dastuurka oo Amray Wasiirrada Xildhibaanada ah in ay kala Doortaan Xilalka Xukuumadda iyo Baarlamaanka

by Heemaaln
2 minutes read

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ku amray xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ee ka tirsan Baarlamaanka labadiisa aqal in ay kala doortaan xilka Wasiirnimo iyo xubinnimada Baarlamaanka.

Guddiga ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay, in go’aankan uu salka ku hayo fulinta qodobo ka mid ah Dastuurka cusub ee Federaalka Soomaaliya, kaasoo si cad u qeexaya in hal qof uusan isku mar qaban karin xildhibaan iyo wasiir.

Tallaabadan ayaa si toos ah u saameyneysa xildhibaannada ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 15 wasiir oo ka mid ah 25-ka xubnood ee Golaha Wasiirrada.

Masuuliyiinta uu sida weyn u saamayn doono go’aankaan waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa la faray in ay banneeyaan mid ka mid ah labada xil, taas oo micnaheedu yahay in ay lumin doonaan ama xubinnimada Baarlamaanka ama xilka Wasiirnimo, iyadoo lagu saleynayo qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu intaas ku daray in kala soocidda awoodaha fulinta iyo sharci-dejinta ay muhiim u tahay hannaanka dowlad-dhiska iyo ilaalinta nidaamka dowladnimo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horey u sheegay in dastuurka cusub la dhaqan galin doono wixii ka dambeeya muddo xileedkiisa oo ay ka harsan tahay wax yar 30 cishe oo kaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaysa in dowladdu ku qancinayso golaha wasiirrada ee ku jira baarlamanaka in ay iska casilaan xubinimada baarlamaanka, si ay astaan wanaagsan ugu noqoto dhaqangalka dastuurka cusub ee dalka.

Qaar kamid ah wasiirrada haatan ku fadhiya kuraasta baarlamaanka ayaa cabsi ka qaba in haddii ay iska casilaan xubintooda baarlamaan ay ku adkaan doonto inay ku soo laabtan kursiga.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.