Wednesday, November 25, 2026

Hay’adda Duulista Rayidka Somaliya oo Amartay in la Xiro Xarunta Tababarka Duulista ee Garoonka Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay amar lagu xirayo Dugsiga Tababarka Duulista (Aviation Academy) ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku sababaysay go’aankaas arrimo la xiriira amniga garoonka iyo carqaladaynta hawlaha duulista.

Warqad rasmi ah oo uu 24-kii November 2026 soo saaray Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan, ayaa lagu wargeliyey madaxda hay’adaha amniga, booliiska, socdaalka iyo maamulka garoonka in la fuliyo xiritaanka dugsiga, lana joojiyo hawlihiisa inta xal kale laga helayo.

Hay’addu waxay sheegtay in Dugsiga Tababarka Duulista markii hore loo aasaasay sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya waaxaha duulista. Hase yeeshee, waxay tilmaantay in goobta dugsigu ku yaallo ay wadaagaan xarumo muhiim u ah hawlaha maalinlaha ah ee garoonka, taas oo keentay in dhaqdhaqaaqa ardaydu uu saameeyo shaqada shaqaalaha duulista.

Sida ku cad warqadda, xarunta garoonku waxay shaqadeedu socotaa 24-ka saac, iyadoo shaqaalaha qaarkood ay ku shaqeeyaan hab wareeg ah oo isugu jira subax, galab iyo habeen. Hay’addu waxay xustay in imaanshaha ardayda dugsiga xilliyada subaxnimo ay carqalad ku tahay nasashada shaqaalaha habeenkii shaqeeyey, kuwaas oo u baahan waqti ay ku nastaan ka hor inta aysan dib ugu laaban waajibaadkooda shaqo.

Waxay sidoo kale sheegtay in dhaqdhaqaaqa ardayda iyo shaqaalaha dugsiga, gaar ahaan xilliyada galabtii oo ku beegan 2:15, uu saameyn ku yeesho shaqada xarumaha laga maamulo hagista diyaaradaha iyo isgaarsiinta duulista, oo ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee badqabka duulimaadyada.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sidaas darteed ku amartay hay’adaha ay khusayso inay iska kaashadaan hirgelinta go’aanka xiritaanka dugsiga, iyadoo sidoo kale codsatay in lala kaashado Booliiska Soomaaliyeed iyo Hay’adda NISA sidii loo sugi lahaa amniga xarunta iyo goobaha ay ka socdaan hawlaha duulista.