Monday, November 16, 2026

Iiraan Oo Shaacisay in laba Markab oo Shidaal ah ku Qarxeen koonfurta Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in laba markab oo shidaal qaada ay ku qarxeen koonfurta marin-biyoodka Hormuz, ka dib markii ay ku dhaceen miinooyin ay horey Iiraan u dhigtay Hormuz, sida ay waxyar ka hor baahisay Al Jazeera oo sheegtay in labada markab ay qarxeen xilli ay ilaalinayeen diyaarado dagaal oo Mareykan ah.

Warbixintu waxay kaloo lagu sheegay in lix markab oo shidaal qaada inay tan iyo shalay shilal la kulmay, dab qabsaday, kuna degay marin-biyoodka Hormuz.

Dunida oo dhan waxaa ka howlgalla qiyaastii 6,000 oo markab oo shidaal qaada.

Intii uu socday dagaalka Iiraan, waxaa la weeraray ama la burburiyey ku dhowaad 114 markab oo shidaal qaada.

Qiimaha maraakiibtaas ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 15 bilyan oo doollar.

Qaar ka mid ah maraakiibta degtay waxay u baahan karaan ku dhowaad shan sano si dib loogu soo celiyo xaaladdii ay ku jireen dagaalka ka hor.

Taas waxaa dheer maraakiibta ganacsiga ee iyaguna lagu beegsaday marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Madow.