Iiraan”Marinka Hormuz wuxuu ka Muhiimsan yahay Tobannaan Bambooyin Nukliyeer ah”

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Jen. Mohsen Rezaei oo ah la- taliyaha arrimaha milatariga ee hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei ayaa u sheegay telefishinka dawladda Iiraan;

“Marin-biyoodka Hormuz wuxuu ka muhiimsan yahay tobannaan bambooyin nukliyeer ah…Iiraan waxay sii wadi doontaa ilaalinta mariinkaas.”

Wuxuu intaa ku daray; “Hormuz waa aalad istaraatiiji ah oo lagu cabsi geliyo laguna horjoogsado cadowga. Ammaankeenna, qarannimadeenna iyo danahayaga qaran waxay leeyihiin muhiimad aad u weyn.

Waxaa kaloo uu yir; “Netanyahu iyo Trump waxay ka gudbeen xariiqyadeennii casaa, waana inay helaan jawaabta ku habboon.”