Sidee Africa ku Noqotay Goobta Cusub Ee Loolanka Quwadaha Waaweyn.?

by Heemaaln
4 minutes read
A+A-
Reset

Markii quwadihii Yurub ay Afrika ku qaybsadeen shirkii Berlin ee sanadihii 1884–1885, tartanka ugu weyn wuxuu ahaa dhul, kheyraad iyo marin ganacsi.

In ka badan qarni ka dib, Afrika mar kale waxay noqotay goob uu ka socdo loollan caalami ah, laakiin maanta dagaalku ma ahan mid lagu qaybsanayo dhul cusub,waa tartan loogu jiro waxa go’aamin doona awoodda dunida tobannaan sano ee soo socda.

Macdanta muhiimka u ah tiknoolajiyada casriga ah, tamarta cusub, warshadaha difaaca iyo dhaqaalaha mustaqbalka ayaa si weyn looga helaa Afrika. Taasi waxay sababtay in qaaradda ay mar kale noqoto meel ay ku kulmaan danaha Mareykanka, Shiinaha, Ruushka iyo quwado kale oo doonaya inay helaan saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Dunida maanta waxay ku jirtaa isbeddel weyn.

Dagaalka Ukraine wuxuu muujiyay in tamarta, macdanta iyo silsiladaha sahayda aysan ahayn arrimo dhaqaale oo keliya, balse ay noqdeen arrimo amni qaran.

Dal walba wuxuu doonayaa inuu helo ilo uu ku kalsoonaan karo oo ka caawiya inuu dhiso warshadaha mustaqbalka.

Halkaas ayay Afrika ka noqotay mid muhiim ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay haysataa qayb aad u weyn oo ka mid ah cobalt-ka dunida, oo ah macdan muhiim u ah baytariyada baabuurta korontada iyo qalabka casriga ah.

Zambia waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee laga helo copper-ka, halka Zimbabwe iyo dalal kale oo Afrikaan ah ay leeyihiin kayd lithium ah oo muhiim u ah tamarta cusub.

Macdantan maanta waxay leedahay qiime istaraatiiji ah oo la mid ah qiimaha shidaalka qarnigii 20-aad.

Shiinaha ayaa ahaa mid ka mid ah quwadihii ugu horreeyay ee fahmay muhiimadda cusub ee Afrika.

Laga soo bilaabo bilowgii qarnigan, Beijing waxay si weyn u maalgelisay waddooyin, dekedo, tareenno iyo xarumo koronto oo ku yaalla dalal badan oo Afrikaan ah.

Mashruuca Belt and Road Initiative,wuxuu Shiinaha u sahlay inuu yeesho xiriir dhaqaale oo qoto dheer oo Afrika ah. Dalal badan waxay heleen kaabayaal ay u baahnaayeen, halka Shiinuhuna uu helay suuqyo cusub, khayraad iyo saameyn siyaasadeed.

Laakiin xiriirkaas ma ahan mid aan dood lahayn. Qaar ka mid ah dadka dhaliila waxay sheegaan in Afrika ay ka taxaddarto deyn badan iyo ku tiirsanaan dhaqaale, halka kuwa taageerra mashaariicdan ay ku doodaan in Shiinuhu bixiyay fursado horumarineed oo reer Galbeedku muddo dheer ka gaabiyeen.

Sanadihii u dambeeyay, Mareykanka iyo xulafadiisa waxay kordhiyeen dadaallada ay ku xoojinayaan xiriirka Afrika. Sababta ugu weyn waa tartanka Shiinaha iyo baahida loo qabo macdanta muhiimka ah.

Muxuu Mareykanka u beddelay siyaasadiisa Afrika ee kaalmada ku dhisnayd?

Mareykanka, wuxuu waqtigan doonayaa in silsiladaha sahayda ee mustaqbalka aysan ku xirnaan hal dal oo keliya. Sidaas darteed, Afrika waxay noqotay meel muhiim u ah qorshaha lagu dhisayo warshadaha tamarta cusub iyo tiknoolajiyada Mareykanka.

Heshiisyo cusub oo ku saabsan macdanta, tamarta iyo kaabayaasha ayaa ka mid ah siyaabaha uu Mareykanku isku dayayo inuu dib ugu helo saameyntiisa Afrika.

Ruushka , wuxuu dhankiisa isku dayayaa inuusan ka harin tartankan.

Ruushku ma laha awood dhaqaale oo la mid ah Shiinaha ama Mareykanka, laakiin wuxuu raadinayaa saameyn siyaasadeed iyo amni.

Moscow waxay xiriirro la sameysay dalal ku yaalla Saaxilka Afrika, iyadoo xoogga saareysa iskaashi militari, tababarro ciidan iyo heshiisyo amni.

Qaar ka mid ah dawladaha Afrika waxay u arkaan Ruushka inuu yahay saaxiib ka duwan quwadihii reer Galbeedka ee ay ku dhaliileen faragelin iyo gumeysi hore. Laakiin dadka dhaliila waxay sheegayaan in tartankaas cusub uu mararka qaar ka faa’iideysanayo dhibaatooyinka gudaha ee dalalka qaar.

Geeska Afrika, oo isku rogay meel aan la iska indho tiri karin

Haddii macdanta Afrika ay tahay mid ka mid ah sababaha tartanka, juqraafiyadda qaaradda ayaa ah sababta kale.

Geeska Afrika wuxuu ku yaallaa meel isku xirta Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Marinadan ayaa muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo gaadiidka tamarta.

Sababtaas awgeed, dalal badan ayaa daneynaya dekedaha iyo saldhigyada ku yaalla gobolka. Jabuuti waxay noqotay meel ay ku sugan yihiin saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal waaweyn, halka Soomaaliya, Kenya iyo dalalka kale ee ku dhow ay leeyihiin muhiimad istaraatiiji ah oo sii kordheysa.

Tartanka dekedaha Afrika maanta ma ahan oo keliya ganacsi,waa tartan ku saabsan cidda saameyn ku yeelan doonta marinada muhiimka ah ee mustaqbalka.

Afrika ma noqon doontaa faa’iideyste mise mar kale ayay ku dhacaysa gacan shisheeye?

Waxa ugu muhiimsan ma aha in quwadaha waaweyn ay Afrika daneynayaan iyo in kale. Taasi waa xaqiiqo jirta.

Balse, waxa taa ka muhiimsan waa Afrika ma awoodi doontaa inay tartankan uga faa’iidaysato danteeda?

Haddii dalalka Afrika ay awoodaan inay dhisaan hay’ado xooggan, heshiisyo cadaalad ah galaan, oo khayraadkooda u beddelaan warshado iyo shaqooyin, tartanka quwadaha wuxuu noqon karaa fursad weyn.

Laakiin haddii khayraadka Afrika uu mar kale noqdo wax dibadda laga qaato oo keliya, qaaraddu waxay halis ugu jirtaa inay ku noqoto goob loollan ay kuwa kale ku tartamaan.

Qarnigan 21-aad, Afrika ma ahan oo keliya qaarad leh mustaqbal, waxay noqon kartaa meesha lagu go’aamiyo cidda yeelan doonta awoodda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee dunida berri.