Monday, November 23, 2026

Imaaraadka Oo ku Dhawaaqday in Dalkiisa Uu ka Hirgelinayo Nidaam Garaadka Macmalka ah (AI)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u hirgelinayso nidaam ku shaqeeya aaladda garaadka macmalka ah (AI) oo dadka u sahlaya adeegyada ay uga baahan yihiin hay’adaha dawliga ah ee dalkaasi Imaaraadka Carabta.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, iyadoo qorshahana lagu soo bandhigay kulan ay ka qaybgaleen masuuliyiin tiradoodu ka badan tahay kun qof oo ka kala socday Hay’addaha dawladda Imaaraadka.

Garaadkan macmalka ah oo loo bixiyey ‘kaaliyaha qofka’ isla markaana shaqayn doona 24 ka saacadood, waxa uu dadka ku nool Imaaraadka Carabta iyo guud ahaanba dadka dalkaasi taga uu ka caawin doonaa in nidaamkan oo qof walba luqadiisa kula hadlaya uu hal mar u wada buuxiyo adeegyada uu dawladda uga baahan yahay, una daba galo fulinta adeegyada qofku ka doonayo dawladda.

Qorshahan waxa si rasmi ah looga shaqaysiin doonaa bisha March sannadka 2027, waana mid loogu talogalay in qof walba oo Imaaraadka jooga loo fududeeyo, loona sahlo baahidiisa.