Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Uganda oo wada-hadal ku yeeshay Kampala ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni & siyaasadeed ee Soomaalida; iyada oo la xaqiijiyey in Musevani uu dhexdhexaadinayo mucaaridka & muxaafidka Soomaalida una soo dirayo Wasiirkiisa Arrimaha-dibedda, sida ay tilmaameen ilo-wareedyada oo intaasi ku daray in MW Museveni uu sheegey in uu xataa isagu imanayo dalka haddii ay lagama-maarmaan noqoto.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan DFS, waxa dowladdu ka gows-adaygtay wada-hadal lagu qabto dalka dibeddiisa, iyada oo laysku raacay in lagu wada-hadlo gudaha dalka.
Mucaaridka ayaa doonaya in DFS ka laabato hanaankeeda doorasho, lana gaadho heshiis doorasho ok hor leh, tan oo meesha ka saaraysa sannado ay DFS riixaysay doorashooyin toos ah oo isku-sidkan taasi oo ay ka qabatay Dowlad-goboleedyada Koonfurta dalka.
Ma cadda inta ay qaadan karto qabashada doorasho heshiis lagu yahay, waxa lagu wadaa in ugu danbeyn ka hor sannadka cusub la gaadhi heshiis doorasho, iyada tan ay khasbayso cadaadisyada dibeed, amni & siyaasadeed
