Hay’adaha ammaanka Ingiriiska ayaa maalintii labaad baaritaan ka wada deegaannada ku dhow saldhigga militari ee RAF Fairford, iyadoo Booliiska Ingiriisku uu si cad maanta u sheegeen inay fashiliyeen iskuday lagu weerarri lahaa saldhigan oo ay yaalaan diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka.
Warbixinnada maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in la xiray shan qof oo u dhashay Ingiriiska oo da’doodu u dhaxeyso 23-25, kuwaasoo la sheegay in lagu tuhmayo iskuday lagu weerarri lahaa saldhigan.
Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in booliisku ay baarayaan suurtagalnimada in Iiraan ay tahay dawladda ugu dhow ee lala xiriirin karo qorshahan la tuhunsan yahay.
Baarayaashu waxay sidoo kale eegayaan suurtagalnimada in Ruushka uu ku lug leeyahay, iyo kooxo hubaysan oo aan dawlad gaar ah ku tiirsanayn.
Saldhigga cirka ee RAF Fairford oo ku yaallaa galbeedka London, agagaarka magaalada Fairford ayaa martigeliya diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka, waxaana saldhigga loo adeegsaday taageeridda hawlgallada Maraykanka ee ka dhanka ahaa Iiraan.
Bishii July 2026, Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa soo saaray digniin ka dhan ah saldhigan, iyagoo sheegay in xarumaha loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah dhulka Iiraan ay yihiin bartilmaameed sharci ah.
Digniintaas ayaa qayb ka ah xaaladda ku xeeran baaritaanka hadda socda. Si kastaba, hay’adaha ammaanka Ingiriisku weli ma aysan xaqiijin wax xiriir ah oo u dhexeeya Iiraan iyo shantan qof ee loo xiray tuhun la xiriira inay diyaarinayeen weerar ka dhan ah saldhigan.

Screenshot


