Thursday, October 8, 2026

Ingiriiska oo walaac ka muujisay xadhigga iyo Xaaladda Suxufiyiinta Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska UK ee Hargeisa ayaa walaac xooggan ka muujiyey tirada xad-dhaaf ah ee suxufiyiinta lagu xidhay Somaliland, isagoo xusay in in ka badan 50 kiis oo xadhig suxufiyiin ah la diwaan-geliyey muddo ka yar laba sanno.

Qoraal uu baahiyey Xafiiska,, oo ay madax ka tahay Louise Hancock, ayaa lagu sidan

“Bayaan ka Soo Baxay Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa oo ku Saabsan Xorriyadda Saxaafadda Somaliland

Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa wuxuu qiimeynayaa wada-hadalladii dhowaan dhex maray Wasiirka Warfaafinta iyo wakiillada qaybta warbaahinta, kuwaas oo ku saabsanaa xorriyadda saxaafadda.

Wadahadalladaasi waxay muujinayaan walaaca Boqortooyada Midowday (UK) ka qabto tirada badan ee xadhigga saxafiyiinta, iyadoo in ka badan 50 kiis oo xadhig ah la diiwaangeliyey wax ka yar laba sano. Xadhig kasta waa in loo fuliyaa si waafaqsan nidaamka sharciga iyo iyadoo ay jirto kormeer garsoor oo habboon.

Somaliland waxay si sax ah ugu faantaa sumcaddeeda dimuqraadiyadeed. Hase yeeshee, xadhigyada soo noqnoqda ee saxafiyiintu waxay halis gelin karaan sumcaddaas. Warbaahin xor ahi waxay xoojisaa Somaliland, mana wiiqdo. Saxaafad madax-bannaan, xorriyadda hadalka iyo goob bulsho oo furan waa calaamado muujinaya kalsooni iyo adkaysi dimuqraadiyadeed.

Boqortooyada Midowday waxay soo dhoweynaysaa in Xeerka Saxaafadda toddobaadkan la horgeeyey Baarlamaanka. Tani waa fursad muhiim ah oo wax looga qaban karo caqabadaha muddada dheer ka jiray qaybta warbaahinta, isla markaana lagu xaqiijin karo jawi warbaahineed oo waara oo madax-bannaan. Gaar ahaan, Golaha Warbaahintu waa inuu noqdaa mid si dhab ah dhexdhexaad u ah, isla markaana loo awood siiyo inuu si madax-bannaan u xalliyo khilaafaadka.

Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay inuu sii wado taageerada xorriyadda saxaafadda ee Somaliland.