Saturday, September 19, 2026

Iran Oo Xukun dil ah ku Fulisay Nin Basaas u ahaa Sirdoonka Israel

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Iiraan ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay muwaadin Iiraani ah oo lagu magacaabo Hossein Pedaran, kaas oo maxkamadaha dalkaasi ku helay inuu basaasnimo iyo wada-shaqeyn sirdoon la sameeyay Israa’iil.

Sida ay baahisay Reuters, hay’adda wararka ee garsoorka Iiraan, Mizan, ayaa sheegtay in Pedaran lagu eedeeyay inuu hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad u gudbiyay xog xasaasi ah oo ku saabsan goobaha milatari iyo xarumaha gantaallada ee ku yaalla gobolka Isfahan ee bartamaha Iiraan.

Pedaran ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin basaasnimo iyo iskaashi sirdoon oo uu la sameeyay Israa’iil, waxaana xukunkiisa dilka ah markii dambe ansixiyay Maxkamadda Sare ee Iiraan, ka hor inta aan lagu fulin xukunka daldalaad.

Mas’uuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in Pedaran uu xogtaasi u gudbinayay Mossad isagoo lacag ka helayay hawlaha basaasnimada. Sida ay sheegeen, xogta uu gudbiyay waxaa ka mid ahaa macluumaad la xiriira goobo milatari oo xasaasi ah oo ku yaalla Isfahan.

Warbixinta Reuters ayaa sheegtay in kiiska Pedaran uu xiriir la leeyahay dagaalkii socday 12-ka maalmood ee u dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay ku doodayaan in qaar ka mid ah goobihii uu xogtooda bixiyay markii dambe la beegsaday.

Hay’adda Mizan ayaa sidoo kale sheegtay in Pedaran uu markii hore isku dayay inuu la xiriiro CIA-da Mareykanka, balse markii uusan jawaab ka helin uu xiriir la sameeyay Mossad. Sida ay hay’addu sheegtay, wuxuu adeegsanayay habab isgaarsiineed oo qarsoodi ah, waxaana la sheegay inuu helay lacag uu ku beddeshay xogta uu gudbinayay.

Si kastaba, faahfaahinta ay bixiyeen mas’uuliyiinta Iiraan ee ku saabsan eedeymaha iyo sida xogta loo helay si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana warbaahinta Reuters ay ku saleysay inta badan xogta ay bixiyeen hay’adaha garsoorka Iiraan.

Kiiska Pedaran ayaa kusoo beegmaya xilli Iiraan ay si adag uga jawaabayso kiisaska ay ku tilmaamayso basaasnimo iyo xiriir la leh Israa’iil, gaar ahaan xilli xiisadaha milatari iyo kuwa sirdoon ee labada dal ay sare u kaceen.