Dawladda Israa’iil oo caddaysay inay si buuxda ugu garab taagan tahay Somaliland sugidda amniga iyo dedaalada lagu raadinayo aqoonsi buuxa oo uu helo dalka JSL.
“Waxa aan si buuxda u caddaynayaa in dawladda Israa’iil ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib kalsooni leh oo Somaliland kala shaqeeya xoojinta xidhiidhka caalamiga ah, sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dedaalada lagu raadinayo aqoonsiga ballaadhan oo ay Somaliland hesho.”
Sidaa waxa yidhi Safiirka Idman ee ay Israa’iil u jooga Somaliland Ambassador Michael Lotem.
