Monday, October 12, 2026

Israa’iil Oo Dib Ugu Celisay Addis Ababa, Diyaarada Ethiopia Airlines Oo Maanta ka Degi lahayd Telaabiib.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa dib ugu celisay Addis Ababa, diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airlines, xilli ay maanta diyaaradda ka degi lahayd Telaabiib.

Israa’iil ayaa sababta ay diyaaradan u celisay ku sheegtay in ay oggaatay shaqaalaha diyaaradda inuu ka mid yahay qof u dhashay dalka Indonesia, sida ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.

Israa’iil ayaa toddobaadyo ka hor u sheegtay shirkadaha diyaaradaha, duulimaadyada ay ku tagayaan Israa’iil inay ka reebaan shaqaalaha la socda ee u dhashay dalalka ay Muslimiinta ku badanyihiin.

Go’aankan lagu celiyay diyaarada ayaa la sheegay in looga jawaabayo iskuday 30 September, kaaliyaha duuliye waday diyaarad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ku socotay Telaabiib, inuu iskudayay maamulka diyaaradda inuu la wareego oo ku qarxiyo diyaaradda iyo rakaabka Israa’iiliyiinta ee la socday Telaabiib.