Saturday, September 26, 2026

M/Cirro: “Waxaan Doonaynaa in Iskaashi Amni la Yeelano Maraykanka iyo Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay mustaqbalka doonayso inay iskaashi dhinaca amniga ah la yeelato Israa’iil iyo Maraykanka, isaga oo xusay in xilligan aanay labada dal midkoodna Somaliland ku lahayn joogitaan ciidan oo rasmi ah.

Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu bixiyey intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka, isagoo sheegay in wada-hadallo dhinaca amniga ah ay u socdaan Somaliland iyo hay’adaha Maraykanka.

“Hadda Israa’iil iyo Maraykanka mid toona wax joogitaan Milateri ah kuma laha Somaliland, laakiin mustaqbalka waxa aanu rabnaa in aanu iska kaashano amniga,” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland iyo Waaxda Dagaalka ee Maraykanka ay ka wada hadlayaan suurtagalnimada in Maraykanku tababar siiyo qaar ka mid ah ciidamada Somaliland. Arrintan ayaa qayb ka noqon karta iskaashiga amni ee uu sheegay in labada dhinac ay doonayaan inay mustaqbalka ballaadhiyaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa ka hadlay joogitaanka Imaaraadka Carabta ee Berbera, isaga oo sheegay inaanay jirin “joogitaan weyn” oo ciidamada Imaaraadku ku leeyihiin Somaliland. Si kastaba, warbixinno hore ayaa sheegay in Imaaraadku muddo sannado ah ka hawlgalayay xarumaha Berbera, halka warbixinno kale ay tilmaameen in hawlo ciidan iyo dhisme ka socda agagaarka garoonka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muhiimadda Garoonka Diyaaradaha Berbera, isaga oo sheegay in Somaliland ay mustaqbalka garoonka ugu magac-dari karto Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

“Madaarka Berbera waxa aanu ugu magac dari karnaa Madaxweyne Trump,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Cirro waxa kale oo uu sheegay inuu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee soo jeediya in Madaxweyne Trump la guddoonsiiyo Abaalmarinta Nabadda Adduunka, isaga oo tilmaamay in uu arrintaas u arkayay aqoonsiga doorka Trump ee nabadda.